Haweeneydii lagu toogtay degmada Baardheere oo War cusub laga soo saaray (Sawirro)

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay Haweeney ay warbaahinta dowladdu sheegtay inay maanta isku qarxin rabtay Ciidamada Booliska Saldhiga degmada Baardheere oo ay Bam ku weerartay, balse ay toogteen ciidamada.

Taliyaha Amniga degmada Baardheere Xuseen Maxamed Xasan ayaa sheegay in Haweeneydan aysan xirneyn waxyaabaha qarxa ayna wadatay oo kaliya Bam ay ku weerartay ciidamada ilaalada Saldhiga degmada Baardheere, wuxuuna waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya inay is-miidaamiye ahayd.

“Markii la toogtay ka dib baaritaan aan ku sameynay waxaa noo soo baxday ineysan jirin waxyaabo qarxa oo jirkeeda ku xirnaa, waxayna wadatay oo kaliya bamka ay soo tuurtay” ayuu yiri taliyaha.

Qaraxa bambo ee ay tuurtay ayaa dhaawacyo fudud u geystay laba askari oo ka mid ahaa Ciidamada ilaalada saldhiga Booliska degmada Bardheere.

Meydka haweeneyda ayaa waxaa ka muuqda inay ahayd haweeney meel dhexaad ah oo wadatay jalbaab madow, mana jirin waxyaabo qarxa oo laga helay jirkeeda sida ay hore u shaacisay warbaahinta Dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -