Saldhigyada ciidamada AMISOM ku leeyihiin gobolada dalka oo dib loo habeynayo

Hawgalka Midowga afrika ee AMISOM ayaa wada dib u habeyn uu ka sameynayo saldhigyadiisa milatari ee ku yaalo gudaha dalka si kor loogu qaado badqabka iyo amaanka ciidamada saldhigyadaas ku sugan.

Hawshan diba u habeynta loogu sameynayo saldhigyada ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin gudaha dalka ayaa qayb ka ah in ciidamada katirsan hawlkalka midowga afrika ay helaan difaac xoogan oo gabaad kaga noqda weerarada iyo qaraxyada kaga imaanayo dhanka dagaalamyaasha al-Shabaab.

Madaxa hawlgalada midowga afrika ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id uu ku qabtay caasimada Muqdisho isagoo ujeedka ugu wayn ee qorshahan laga leeyahay uu yahay uu yahay sidii lagu adkeyn lahaa badqabka ciidamada AMISOM.

Madaxa taageerida hawlgalada midowga afrika Mr Dludlu ayaa sidookale sheegay in hawshan ay dib u dhiska ugu sameeyaan xerooyinka ay ciidamada AMISOM ka dagan yihiin gudaha dalka uu qayb ka yahay  qorshaha xaalada kala guurka ee dalka looga saarayo ciidamada nabad ilaalinta midowga afrika kuwaasi oo sida uu qoshuhu yahay in gabi ahaan dalka laga saaro markii lagaaro sanada 2020.

Qorshahan dib u habeynta loogu sameynayo xeryaha amisom ayaa waxaa Amisom ka taageerayo kooxda dowlada UK u qaabilsan taageerida ciidamada nabad ilaalinta midowga afrika.

Xeerooyinka milatari ee amisom dalka ku leedahay ayaa haatan waxaa ku sugan kumanaan ciidan oo kakala socda wadamada , Burundi, Djibouti, Kenya and Ethiopia oo ah wadamada qaybta ka ah hawlgalka midowga afrika ka jooga Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -