Mareykanka oo bogaadiyey dedaaladda Raysul Wasaare Xassan Cali Khayre 

Wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka, uuna horkacayey Ku-Xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka David Hale, ayaa Muqdisho kulan kula yeeshay  R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya  Xassan Cali Khayre, oo ay wehliyaan xubno ka tirsan xukuumaddiisa.​

Kulankan ayaa looga hadlay isbedeladii ugu dambeeyey ee dalka ka dhacay oo ay ugu horreeyso dedaaladda DF Soomaaliya ay ku dooneyso in ay xasilooni iyo kala dambeyn ku soo celiso dalka, waxaanna RW Khayre uu kaga warbixiyey wefdiga ka socda W/Arrimaha Dibedda Mareykanka halka ay dowladdiisa wax u marayaan iyo guulaha la taaban karo ee ay ka gaareen la dagaalanka kooxaha argagixisada oo dagaal adag ay kula jiraan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, soo celinta ammaanka, iyo taaba-gelinta dowladnimo caga adag ku taagan.​

Xoghaye Ku-Xigeenka Arrimaha Dibedda Mareykanka David Hale, isaga oo u waramayey waaxda warfaafinta u qaabilsan W/Arrimaha Dibedda Mareykanka, waxa uu yiri:​

“Waxaan kulan la qaatay RW-ha Soomaaliya Xassan Cali Khayre, kulankeena waxaa diirada lagu saaray iskaashi 2da ay ka yeelanayaan sidii ay Soomaaliya u soo ceshan laheyd ammaankeeda, RW-ha wuxuu warbixin naga siiyey halka shaqooyinka dowladdiisu u qabsoomay iyo kuwa ay tiigsanayaan mustaqbalka dhow, wuxuu sharaxaad buuxda innaga siiyey doorashada Jubba-Land oo dhammaadka bishan la filayo in ay qabsoonto, iyo mustaqbalka dhow oo ay rajeynayaan in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho qof iyo codkiisa ah”​

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -