Mu’aamarad la damacsanaa in xabsiga looga sii daayo Cabdi Maxuud Cumar oo la fashiliyey

Wargeyska the reporter oo ka soo baxa Magaalada Addis Ababa oo soo xigtay ila xog ogaal ah ayaa qoray in la qabtay shaqsiyaad damacsanaa iney Cabdi Maxamuud Cumar ay xabsiga ka sii daayaan.

Kooxda la qabtay ayaa la sheegay iney damacsanaayeen iney qorshahooda fuliyaan 5-ta August oo ku beegneyd Isniinti la soo dhaafay marka Cabdi Maxkamadda laga soo celiyo.

Afaafka hore ee xabsiga uu Cabdi Max’uud Cumar  ku xiran yahay ee Qaaliti ayey kooxdan ay gaari dhigteen askarta Taraafikada ayaa ka dalbaday iney meesha ka dhaqaaqaan balse raggan gaariga watay way diideen amar ay askarta siiyeen.

Ciidamada oo gaariga ka shakiyey ayaa damcay iney baaraan kooxda kooxda baabuurka wadatay ayaa askarta rasaas ku furtay, iyadoo ciidamaduna ku jawaabeen rasaas kale.

Dhowr ka mid ah dadki howlgalkaasi qaybta ka ahaa inkastoo ay baxsadeen haddana waxay ciidamadu gacanta ku dhigeen intooda badan oo ay haweeney ku jirto.

Xilliga ay arrintan dhaceysayna Cabdi Maxamuud Cumar wuxuu ku maqnaa maxkamadda dacwaddiisa lagu eegayey iyadoo loo heysto dembiyo lagu eedeeyey inuu galay xiligii uu madaxweynaha ka ahaa dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -