Qalab ay aad ugu bogeen una Iibsadeen Lamaanayaal kala fog fog oo lasoo saaray

Shumiska ama dhunkashada fog waa aalad dhawaan aad looga iibsado suuqyada Shiinaha. Waxay adeegsadaha u sahlaysaa inuu fogaan ka dhunkan karo lammaanihiisa jaceylka ee meel aad ugu durugsan ama shisheysa ku nool. Waxaana la yiraahdaa Remote Kiss.

Shumiska waa astaan naxariis iyo gacaltooyo ka tarjumaysa. Qalabkan ayaa si kastaba, qofka uu lammaanihiisu ka fog yahay wuxuu siinaya dareen-wadajira oo labo qof ka dhaxaysiinaya shumis waxaana loo sameeyey faruuryo uu qofku saarayo bushimihiisa kadibna uu shuminayo – markaas waxaa lama huraan ah in qofku uu qadka kuugu jiro oo aad wada sheekeysanaysaan.

Aad bay ugu baahday baraha bulshada Shiinaha, waxaana loo daatay meelaha lagu iibiyo. Waxaana soo degsanaysaa app sahlaya inuu labada qof ka dhaxaysiiyo wada isticmaalka qalabkan. Arday ku jira kulliyada farsamaatiga ama tiknoolojiyadda oo la yiraahdo Jiang Zhongli, ayaa soo hindisay qalabkan.

Aad uma uusan baahin taniyo markii uu sameeyey, laakiin mahad waxaa iska leh baraha bulshada oo si xowli isku dhaafsaday xogtiisa taas oo soo jiidatay indhaha lamaanayaal badan oo uu ka dhaxeeyo xiriirka jaceylka kala fog.

“Waxaan dhigtaa jaamacadda, wuxuuna app-kan igu caawiyay inan kula xiriiro lamaanahayga oo iga fog,” ayay tiri gabar ku jira wax-barashada.

Suuqyada Shiinaha ayaa hadda qalabkan lagu iibinayaa qiimo dhan 288 yuan (US$41)

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -