Saldhigyada Qarsoodiga ee Nukliyeerka Maraykanka ee yaalla Yurub iyo Turkiga oo la shaaciyey

Xog si Hoose loo dusiyey ayaa waxay bidhaamiyeen Tirada Gantaalladda Nukliyeerka ee Maraykanka u yaalla Saldhigyada Maraykanka ku leeyahay qaar ka mid ah dalalka Europe iyo Turkiga.
 
Warbixin ka soo baxday Machadka Nabadda iyo Siyaasadda ee Jaamacadda Hamburg (Institute for Peace Research and Security Policy at the University of Hamburg) ee dalka Jarmalka ayaa lagu shaaciyey in 100 Gantaalladda Nukliyeerka Maraykanka ay yaallaan Saldhigyo qarsoodi ah oo Milliteriga Maraykanka ku leeyihiin magaallooyin ku yaalla dalalka Jarmalka, UK, Netherlands, Belgium iyo Turkiga.
 
Machadka waxa uu soo bandhigay magaallooyinka dalalkaasi ee ay ku yaallaan Saldhigyada iyo Kaydka Nukliyeerka ee Milliteriga Maraykanka, waxayna kala yihiin:-
 
1- Magaalladda Kleine Brogel ee dalka Belgium (20 Gantaal Nukliyeer)
 
2- Saldhigga Ciiddanka Cirka ee magaalladda Volkel ee dalka The Netherlands (20 Gantaal Nukliyeer)
 
3- Magaalladda Buchel ee dalka Germany (20 Gantaal Nukliyeer)
 
4- Magaallooyinka Aviano iyo Ghedi Torre ee dalka Talyaaniga (min 20 Gantaal Nukliyeer)
 
5- Saldhiga Ciiddanka Cirka ee Incirlik Air Base ee dalka Turkiga (20 Gantaal Nukliyeer).
 
Dhinaca kale, Ciiddanka Cirka Maraykanka ayaa la sheegay inay baarayaan haddii ay Ciiddankooda si kedis ah u shaaciyeen goobaha ay ku yaallaan Saldhigyada Nukliyeerka Maraykanka ee Qaaradda Europe.
 
Afhayeenka Waaxda Difaaca Maraykanka (The Pentagon), John Kirby oo Suxufiyiinta la hadlay Talaadadii la soo dhaafay waxa uu sheegay inay Waaxda Ciiddanka Cirka ay baarayaan suurto-galnimada in Xogtaasi lagu wadaagay aaladda Falaash Kaadhka (Flashcards).
 
Waxa kale oo uu shaaciyey in dhamaan Hubka Maraykanka ay yihiin kuwa bad-qaba oo ammaan ah.
 
Afhayeenka Waaxda Difaaca Maraykanka, John Kirby waxa kale oo uu xusay inay tahay Siyasadda Waaxda Difaaca inaan marnaba la xaqiijinin ama la beenin jiritaankaa iyo maqnaanshaha Hubka Nukliyeerka meel kasta oo cayiman oo ay yaallaan.
 
Toddobaadkii la soo dhaafay, Shabakadda Wararka wax baarta ee “The Bellingcat investigative website” waxay daabacday in Ciiddanka Maraykanka ee loo xil-saaray Ilaalinta Hubka Nukliyeerka ee yaalla Europe ay si cad ugu isticmaaleen Codsiyadda Flashcards Hubka Nukliyeerka Maraykanka iyo Goobaha ay yaallaan.
 
Xaruumo qarsoodi ah oo ku yaalla Europe ayaa waxaa la sheegay in lagu qariyey Hubka Nukliyeerka Maraykanka.
 
Mid ka mid ah Siraha oo lagu shubay 70 Falashcards ayaa lagu shaaciyey in Tiro Hubka Nukliyeerka iyo kuwa aan ahayn ay yaallaan Saldhigga Ciiddanka Cirka ee Volkel Air Base ee dalka The Netherlands.
 
W/Q Ustaad Nuradin
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -