Booliiska Mareykanka oo si xun ula dhaqmay Nin Madow ah iyo caro ka dhalatay (Sawirro)

Warbaahinta caalamka iyo baraha bulshada ayaa aad wali looga hadal hayaa hab dhaqan fool xun oo labo askari oo Cadaan ah ula dhaqmeen nin madow ah oo lagu soo eedeeyay in uu dambi galay.

Muuqaal la duubay ayaa laga arkayay labada askri iyaga oo fardo saaran xarig ku hoggaaminaya nin madow ah oo jeebeysan, waxa ayna arintan caro badan ka dhalisay baraha bulshada.

Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa si caro leh uga fal celiyay ficilkan foosha xun ay sameeyeen askarta cadaanka ah,  waxa ayna dad badan sheegeen in sawirkaas uu dib u xusuusinayo nidaamkii addoonsiga ee waa hore jiray.

Taliska ciidanka booliska ee gobolka Texas ayaa durbo raali galin ka bixiyay fadeexada booliiskooda soo wajahday, waxa uuna sheegay in wax aan la aqbali karin tahay sida ay u dhaqmeen labada askari ee fadeexadan ku lugta lahaa.

Booliiska gobolka Texas ayaa shaqada ka joojiyay labada askari ee falkan ku lugta lahaa oo lagu kala magacaabo P Brosch iyo A Smith, waxaana saraakiisha booliiska sheegeen in askartan baaritaano ku socdaan.

Dadka Madowga ah ee u dhashay Mareykanka ayaana si weyn uga carooday falkan, waxa ayna sheegeen in wali askarta cadaanka ah ay wadaan falal cunsuriyad salka ku heysa, waxa ayna ku baaqeen in isbadal la sameeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -