Diyaarad ay leedahay Shirkada Black Water oo kusoo degtay Xadka Somalia iyo Kenya

Diyaarad ay leedahay Shirkada Black Water ee laga leeyahay dalka Mareykanka lana socdaan ciidamo ayaa lagu soo waramayaa in ay kusoo degtay meel ku dhaw Xadka Soomaaliya iyo Kenya wadaagaan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in diyaaradan ku degtay Xadka Soomaaliya iyo Kenya in ay la socdeen ciidamo Mareykan ah oo aad u hubeesan, waxaana Diyaaradan iska lahaa Milkiilaha shirkada Black Water,Erik Prince.

Warbaahinta qaar iyo baraha bulshada oo lagu baahiyay sawirka Diyaaradan oo taagan dhul caro ah oo kuyaala Xadka Sioomaaliya iyo Kenya ayaa dadkii ka aragti dhiibtay siyaabo kala duwan uga hadleen.

Waxaa jira shaki badan oo laga qabo waxa ay diyaaradan kasoo doontay xadka Soomaaliya iyo Kenya, dadka qaarkood ayaaba sheegaya in suurtyo gal tahay in diyaaradaasi hub u waday Al Shabaab halka kuwa kalana ay warkaasi mid ka duwan sheegayaan.

Shirkada Black Water ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa ka shaqeysa dhinaca amaanka , waxa ayna shirkadan u shaqeeya dad u badan calooshood u shaqeestayaal mararka qaar howlgalo ka fuliyaan wadamo ay ka howl galaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -