War Deg Deg Ah:  Jawaari oo Sheegay in Madaxweyne Farmaajo ka codsaday in uu is casilo

Gudoomiyaha Mooshinku ka yaalo ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa goordhaw shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho waxa uuna ka hadlay arimo xasaasi ah.

Jawaari ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ku guul dareestay waan waantii uu ka dhax waday labada garab ee Xildhibaanada, waxa uuna sheegay in maalintii sabtida uu shirka baajiyay Madaxweynaha uu qabsaday 10-maalin uu wax ku xalinayo balse arintaasi hada meesha ka baxday.

Waxa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo halkii laga sugayay in si odawtinimo ah u xaliyo khilaafka taagan uu taa badalkeeda uu ka dalbaday in uu is casilo, waxa uuna arintaasi ku tilmaamay mid aan la aqbali karion.

Gudoomiye Jawaari ayaa sheegay in cida looga baahan yahay in ay is casisho oo shaqadeeda gabtay ay tahay Xukuumada Soomaaliya , waxa uuna ku eedeeyay xukuumada Soomaaliya in ay sameesay qaladaad badan oon la aqbali karin.

”Madaxweynaha Owtinimo ayaan ka filayay balse waxa uu igu yiri is casil , anigu is casili maayo marnaba,  Waa wax lala yaabo oo qariib ah in Xukuumada tiraahdo Gudoomiyaha Baarlamaanka lama shaqeyn karo, Xukuumada ma waxa ay rabtaa in aan iyaga u shaqeyno, anaga uma joogno inaan u shaqeyno Xukuumadda, wada shaqeyn ayaa naga dhaxeyso” Ayuu yiri Jawaari.

Jawaari ayaa sidoo kale sharci daro ku tilmaamay kulanka beri la filayo in ay yeeshaan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya , kulankaa oo looga doodi mooshinka isaga laga gudbiyay.

Hadalka kasoo yeeray Gudoomiye Jawaari ayaa cadeyn u ah in uu bur buray waan waantii Madaxweynaha ka dhax waday Xildhibaanada Baarlamanaka ee labada garab u kala jabay , waxaana hadalka Jawaari imaanaya xili baarlamaanka beri mooshinkiisa la horgeynayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -