Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Axmed Madoobe oo ka hadlay Go’aankii kasoo baxay Xukuumadda Rooble

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa si diiran usoo dhaweeyay go’aankii xukuumadda Soomaaliya uga laabatay in Ururka ONLF uu yahay mid argagaxiso.

Waxa uu xusay Axmed Madoobe in tallaabo wanaagsan tahay in xukuumadda Soomaaliya ay saxday qaladkii taariikhiga ahaa ee ay hore DFS ugu aqoonsatay ururka ONLF inuu yahay urur argagixiso.

”Waxaan soo dhawaynayaa go’aanka wanaagsan ee ay maanta Xukuumada Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku saxday qaladkii taariikhiga ahaa ee ay hore DFS ugu aqoonsatay ururka ONLF inuu yahay urur argagixiso.” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa uga mahadceliyay gollaha wasiirada Soomaaliya garwaaqsiga ay garwaaqsadeen in falkii lagu dhiibay muwaadin Cabdikariim Qalbidhagax ahaa fal qalad ah, ceebna ku ahaa qaranimada iyo sharafta umadda Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=1s5dgtU0kdQ

Related posts

Ciidamo katirsan Danab oo baacsanaya Dagaalyahanadii weeraray Janaay Cabdalla

Cabdi Cade

Munaasabad Xil wareejin ah oo maanta ka dhacday xarunta Aqalka Sare (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiiro iyo Xildhibaano Baaq kasoo saaray xaalad adag oo ka jirta Gobolka Gedo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---