Banaan bax Rabsahada wata oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Waxaa goordhaw banaan bax rabshada watay oo ay dhigayeen dad careesan uu ka dhacay inta u dhaxeysa xaafada Haanta Dheer iyo Isgooska Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Degmada Dayniile.

Banaan baxa waxaa dhigayay dadka shacabka ah ee degan xaafada loo yaqaan Saban Saban kuwaa oo ka cabanayay dagaalo soo noq noqday oo xaafadaasi maalmihii lasoo dhaafay ku dhax marayay ciidamo kawada tirsan dowlada.

Dadka dhigayay banaan baxa ayaa gubayay taayaro waxa ay sidoo kale dhagxaan ku tuurayeen gaadiidka iyo Mooto bajaajta laamiga marayay, waxa ayna daqiiqado badan xiyireen isku socodka gaadiidka inta u dhaxeysa Kuliyadda iyo Ex-Control Afgooye.

Shacabka dhigayay baanaan baxa ayaa sheegay in dhibaato xoogan ku qabaan ciidamo xiran dareeska Milatariga iyo Maleeshiyaad dushooda ku dagaalama sidoo kale xaafadaasi ka wada dhul boob.

Masuuliyin katirsan maamulka Degmada Dayniile oo markii dambe soo gaaray isgooska Kuliyada uu ka socday banaan baxa ayaa la hadlay dadkii dhigayay banaan baxa, waxa ayna u sheegeen in wax laga qabanayo cabashadooda.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa iska hor imaadyo soo noq noqday oo dad shacab  khasaaro uu kasoo gaaray uu ka dhacayay xaafada Saban Saban , waxaana ciidamada dagaalamaya isku heestaan dhul ay leedahay Dowlada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -