Ciidamada Milateriga oo talis weyn ka sameysanaya Baardheere & Ujeedada (Sawirro)

Taliska Guutada 10aad ee Ciidamada Xooga Dalka ee Gobalka ee Gedo ayaa sheegay in Magaalada Baardheere ee Gobalka Gedo laga furayo Taliska laga hagayo dib u xoreynta Gobalka Jubada Dhexe ee ay gacanta ku hayso kooxda Al-shabaab.

G/Sare Max’ed Caddow Cali (Sanka) Taliyaha Taliska Guutada 10aad ee Ciidamada Xoogga Dalka ee Gobalka Gedo iyo xubno uu hoggaaminayo oo maanta gaaray halkaasi ayaa sheegay in Magaalada Baardheere laga furayo saldhig laga qorshaynayo dib u xoreynta Gobalka Jubada Dhexe.

Waxaa ku soo dhaweeyey garoonka Diyaaradaha magaaladaasi Baardheere Maamulka degmadaasi iyo Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka ee ku sugan magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

“Aniga booaqashadeyda waxaa uu qeyb ka yahay dardargelinta howlgalada socda, qorshaheena ayaa wuxuu yahay in aan aasaasno saldhigweyn oo loogu talagalay in laga qorsheeyo howlgalka maleeshiyada Ashabaab looga qabsan lahaa guud ahaan Gobalka J/Dhexe”. Ayuu yiri Taliye Maxamed Cadow Cali (Sanka)

Gobolka Jubada dhexe oo ka kooban sadex degmo oo kala ah Jilib, Saakow iyo Bu’aale ayaa ah gobolka kaliya ee ay si buuxda gacanta ugu hayaan Al-Shabaab, waxaana la aaminsan yahay in saraakiisha ugu badan kooxdan ay gabaad ka dhiganayaan keymaha ku yaalla gobolkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -