Muxuu shaqada u joojiyey guddiga Dhamaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka?

Guddiga Wadajirka KMG ah ee diyaarinta xeerarka Dhamaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka ayaa hakiyey Shaqadii uu maalmahanba waday.

Guddiga-Wadajirka ayaa tilmaamay in maalmihii la soo dhaafay kulamo isxog-wareysi ah uu la lahaa Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayna u soo idlaadeen, isla markaana wixii hadda ka dambeeya ay hakiyeen shaqadooda in sababo la xiriira cudurka Coronovirus.

Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow ayaa maanta gelinkii dambe shir uu qabtay ku sheegay in shaqadii Guddiga ee socotay la hakiyey cabsi laga qabo faafidda cudurka Coronavirus oo walwal badan ku haayo caalamka oo dhan.

Guddiga-wadajirka ku meel-gaarka ah ee soo diyaarinta Xeerarka dhamaystirka sharciga Doorashooyinka Qaranka ayaa dhawaan kulamo gaar gaar ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha gudaha, Dib-u-heshiinta iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya iyo guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka, kaasoo looga hadlayay diyaarinta xeerarka dhameystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -