Wafdigii xaqiiqo raadinta IGAD oo kulamo xasaasi ah ka wada Kismaayo (Daawo Sawirro)

Wafdi ka socda urur goboleedka IGAD oo uu hogaaminayo wakiilka IGAD ee Soomaaliya Dr. Maxamed Guyow oo booqasho shaqo ku jooga Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland ayaa la kulmay Gudoonka Baarlamaanka Dowlad goboleedka Jubbaland.

Sidoo kale, Guddiga madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland ayaa la kulmay wafdiga ka socday Urur Goboleedka IGAD ee howlaha shaqo u jooga Kismaayo si ay ugu kuur galaan hanaanka doorashooyinka Jubbaland.

Guddiga ayaa xubnahan uga warbixiyay shaqooyinka illaa hadda u qabsoomay iyo sida ay shaqooyinka caadiga ah ee gudigu u socdaan iyagoo sheegay in dhamaan ay sidii loogu tala galay u socdaan jadwalkii loo dajiyay doorashooyinka Jubbaland.

Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dhawaan la dooran doono iyo musharaxiinta Jubbaland ayey sidoo kale la kulmeen Guddigan ka socda IGAD,

Wafdigan ka socda urur goboleedka IGAD oo ahaa mid xaqiiqo raadin ah ayaa waxay dhawaan ku noqon doonaan Xafiiska IGAD iyagoo beesha caalamka usoo gudbin doona waxa ay Kismaayo ku arkeen iyo hanaanka wakhtiga kala guurka ah ee Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -