Madaxweyne Deni oo eedeymo kulul u jeediyey dowlada federaalka Somalia

Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa si mar kale si kulul u weeraray dowlada federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Deni oo ka hadlayey munaasabad xalay lagu qabtay magaalada Garowe oo lagu maamuusayey sanadguuradii 21aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Puntland ayaa si dadban ugu eedeeyey dowlada federaalka iney baal martay hanaankii gundhiga u ahaa federaalka.

“Maanta waxaa dheelinaya geedi socodkii dhismaha nabada iyo dawladnimada Soomaaliya, waxaana jirta tabashooyin isasoo tarayay oo ah in la baalmaray hannaankii gundhigga u ahaa geedi socodkaas oo ay ka mid yihiin federaalka, ilaalinta sarraynta sharciga, qaybsiga dhaqaalaha magaca Soomaaliya lagu helo, awood qaybsiga siyaaaadeed iyo hannaanka dimoqraadiga ah” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Waxaa uu sheegay in dowlada Soomaaliya ay carqaladeyn joogto ah ku heyso dowlad goboleedyada ka jira dalka, isagoo dowlada siiyey talooyin muhiim ah oo ay ku wajahdo xaaladaha ka jira dalka.

“Ummadda Soomaaliyeed kuma filna hal ku dhigyo aan waxba wehelinin iyo carqaladayn maamuladda ka dhisan gobolada dalka. Dalkani wuxuu u bahaan yahay in dadkiisa la heshiisiiyo, kalsoonida iyo is aaminaadda dadkiisa kor loo qaado, siyaasadiisana lagu wado wadatashi, walaalnimo iyo isku tanaasul, iyo sidoo kale xoojinta hay’adaha dowladeed heerkooda kala duwan. Dadka Puntlnad dawladnimadii soomaaliyeed ee ay dhiig iyo dheecanba galiyeen ma aqbali karaan in dhibi gaarto” ayuu intaas ku daray Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale sheegay in dowlada Soomaaliya ay ku fashilantay sugida amniga caasimada ayna sii kordheen weerarada iyo qaraxyada, isagoo xusay in la gaaray heer madaxda dowlada qaarkood lagu dhex laayo xafiisyadooda.

“Waa marag ma doonto ah in maanta siyaasadda cakiran iyo mudnaansiin la’aanta aarimihii muhiimka ahaa ay dalka u horseedey nabadgelyo xumo ka jirta goobo badan oo dalka ah. Waxaa kordhay falalkii argagixo ee lagu beegsanayo shacabka iyadoo dowladuna kaga jawaabtay waddo xiris taas oo culays badan kusii noqotay shacabkii dhibannaa xal amnina aan keenin. Dhacdooyinkaas xanuunka badan waxaa ugu damaysay qaraxii ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Muqdisho oo dad badan oo masuuliyiin ah lagu laayay kuwana ku dhaawacmeen” ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Deni ayaa sheegay in wax kasta oo dhaca aysan shacabka iyo maamulka Puntland ku xambaari doonin iney talaabo qaldan, waxna ka bedeli doonin rabitaanka dowladnimada iyo jaceylka ay u hayaan midnimada dalka iyo ummada.

“Waxaan walaalaha Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan iyo fikir walba oo ay qabaanba u xaqiijinaynaa in aanaan marna bedelayn ama yaraynayn, jacaylkii iyo rabitaankii aanu u hayney ummadda iyo dowladnimada Soomaaliyeed .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -