Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Buundada degmada Jalalaqsi oo bur burtay iyo saameyn ka dhalatay (Daawo Sawirada)

Buundo muhiim ah isku socodka gaadiidka ka shaqeeya gudaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa burburtay, waxaana bur burka buundadaan durba saameyn ku yeeshay xaafadaha kala duwan ee degmadaasi.

Maamulka gobolka Hiiraan iyo kan degmada Jalalaqsi ayaa ku guuldareestay dayactirka iyo sameynta buundadan burburtay oo isku xireesay xaafado kala duwan oo kuyaala degmada Jalalaqsi.

Degmada Jalalaqsi ayaa horey waxaa u goddoomiyay dagaalyahanada Al Shabaab oo jaray waddooyinka soo gala, burburka buundadan ayaana saameyn kale ku yeelatay shacabka ku dhaqan degmadaasi.

Maamulka Hirshabelle ayaa lagu eedeeyay in aysan masuuliyad iska saarin wax ka qabashada buundadan burburtay iyo sidoo kale sidii degmadaasi looga saari lahaa go’doonka sannadaha ku jirto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dad u dhashay dalka Jabuuti oo laga daad-gureeyay dalka Sudan iyo Diyaarada …

Cabdi Cade

RW Khayre oo kulan la qaatay Madaxda sare ee Maamulka Galmudug (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Gurigii ugu horeeyay oo loo naqshaddeeyay farsamada 3D oo la dhisay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---