Maxaa ka soo baxay kulan Axmed Madoobe la qaatay Saraakiishiisa ciidamada? (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo jimco ah kulan la qaatay Sarakiisha Ciidamada kala duwan ee Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa Sarakiisha faray in ay adkeeyaan Nabadgalyada sidoo kalana ay soo gudbiyaan baaritaanada iyo in sharciga la horkeeno danbiilayaashii Falalkii amniga lidka ku ahaa ee u danbeeyay ka gaystay Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Sarakiisha iyo Ciidamada kala duwan uga mahad celiyay sida ay naftooda ugu hurayaan nabadaynta iyo xasiloonida dalka.

Mudane Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Jubbaland ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Jubbaland wuxuu kula dardaarmay in ay shacabka si dhow ula falgalaan mar walbana ka shaqeeyaan badbaadada Shacabka maadama ay dartood qoraxda iyo qabowga u taagan yihiin.

Amaanka Magaalada Kismaayo ayaa mudooyinkan sii xumaanayey ka dib markii ay ka dhaceen weerar ismiidaamin ah oo dad badan lagu laayey iyo dilal loo geystay odayaal dhaqameedyo ka soo jeeda beelaha dega gobolkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -