Madaxweyne caan ah oo ka hadlay kana tacsiyeyeey geerida Marxuum Yariisow

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda Federaalka uga tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Guddoomiyehii Gobolka Banaadir, Marxuum, C/Raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow).

“Waxaan Shacabka Soomaaliyeed la qeybsanayaa murugada geerida ku timid Guddoomiyehii Gobolka Banaadir, waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa dowladda Federaalka oo uu u horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo”, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Maxaweyne Geelle.

“Haddaan nahay Walaalahiin Jabuuti mar walba waxaannu taagan nahay Garabkiinna, Dowladda iyo Shacabkuba” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka Madaxweyne Geelle.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa marxuum Yariisow ku tilmaamay inuu ahaa Guddoomiye aad u fir-fircoon, wax weyna ka qabtay nabadeynta iyo horumarka Gobolka Banaadir.

Gudoomiye Yariisow ayaa shalay gelinkii dambe ku dhintay isbitaal ku yaalla magaalada Doxa ee dalka Qadar oo daweyn loo geeyey ka dib markii uu dhaawac culus ka soo gaaray qarax ka dhacay xarunta dowlada hoose 24kii bishii tagtay ee July.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -