Xiliga dalka la keenayo, lana aasayo Meydka Marxuum Eng. Yariisow oo la shaaciyey

Meydka guddoomiyihii gobolka Banaadir, ahaana duqa magaalada Muqdisho Marxuum C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa la sheegay in meydkiisa dalka la keenayo maalinta beri oo sabtida ah sida laga soo xigtay guddiga qaban-qaabada aaska Qaran ee loo sameynayo marxuumka

Guddoomiye Yariisow oo ku dhaawacamay qarax xarunta maamulkiisa ee degmada Xamarweyne ka dhacay 24-kii July 2019 ayaa ku geeriyooday isbitaalka Hamad ee magaalada Doha oo loo geeyay dhaawac culus oo kasoo qaaday caloosha iyo madaxa.

Dayuurad gaar ahaa ayaa kasoo qaadi doonta magaalada Doha meydka Marxuum Yariisow, iyadoo ay soo raaci doonaan qoyskiisa oo ku sugnaa magaalada Doha iyo safiirka Somalia ee dalka Qatar, waxaana salaadda Janaasadda lagula tukan doonaa Garoonka dayuuradaha ee magaalada Muqdisho, iyadoo kadibna lagu aasi doono xarunta Dugsiga Sare ee Booliska Jen. Kaahiye ee magaalada Muqdisho sida qorshuhu yahay.

Dowlada Somalia ayaa ku dhawaaqday baroordiiq Qaran oo socon doonta muddo saddex cisho ah, iyadoo hoos loo dhigay calanka jamhuuriyada Soomaaliya, waxaana geerida Ing. Yariisow si weyn uga naxay shacabka Soomaaliyed meel kasta oo ay joogaan gaar ahaan kuwa magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -