Ciidamo Itoobiyaan ah oo laga yaabo hal arin darteyd in ay u tagaan Dhuusomareeb

Kooxda Ahlu Sunna ee maamusha magaalada Dhuusomareeb ayaa wali ka biyo diidan in magaaladaasi la geeyo ciidamo ka socda dowlada federaalka Soomaaliya oo loogu tala galay in ay si buuxda ula wareegaan amaanka magaaladaasi.

Hogaamiyaha Ahlu Sunna Macalin Maxamuud ayaa la sheegay in wali diidan yahay rabitaanka Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya oo ku aadan in magaalada Dhuusomareeb la wareegaan ciidamo gaar ah oo dowlada ka amar qaata.

Waxaa wali magaalada Dhuusomareeb ka socda dadaalo lagu doonayo in xal looga gaaro is fahmi waaga soo kala dhax galay hogaamiyaha Ahlu Sunna iyo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo mudo bil ka badan ku sugan magaaladaasi.

Sida aan xogta ku helnay hadii hogaamiyaha Ahlu Sunna ku adkeesto in amaanka Dhuusomareeb ku wareejiyaan ciidamada dowlada ayaa waxaa socda qorshe kale ee dowlada federaalka ku dooneyso in magaaladaasi ku tagaan ciidamo katirsan AMISOM.

Ciidamo ka socda Itoobiya oo wata magaca AMISOM ayaa la qorsheeyay in ay tagaan  Dhuusomareeb si ay amaankeeda ula wareegaan, ciidamadan ayaan ah kuwa aan ogolaansho uga baahneyn kooxda Ahlu sunna xiliga ay rabaana tagi kara magaaladaasi.

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa hadii laga fursan waayo in ay tagaan Dhuusomareeb la wareegi doona amaanka xarumaha muhiimka ah sida garoonka, madaxtooyada, xarumaha doorashada iyo shirarka ka dhacayaan iyo goobo kale oo muhiim ah.

Waxaana meesha ka bixi doona saameynta ciidamada kooxda Ahlu Sunna hadii magaalada Dhuusomareeb tagaan ciidamada Itoobiya, waxaana madaxda dowlada aysan kalsooni badan ku qabin ciidamada Ahlu sunna oo ah ciidan hal beel u badan.

Kooxda Ahlu Sunna ayaana hada waxaa heesta labada daran mid dooro , waxa ayna ka fakerayaan hadii ay diidaan ciidanka dowlada ee Muqdisho laga keenayo in ay magaalada yimaadaan Ciidamo Itoobiyaan ah oo awood badan wax talo ahna aanan uga baahneyn.

Dadaaladii uu Ra’isul Wasaare KHeyre ku doonayay helista Galmudug mideysan ayaa hada waxaa lasoo darsay caqabad xoogan oo ka dhalatay diidmada kooxda Ahlu Sunna ee ku aadan in amaanka magaalada lagu wareejiyo ciidamada dowlada oo horey loogu heshiiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -