Taliska NISA oo u yeeray Masuuliyiinta qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho

Agaasimeyaasha qaar ka mid ah Idaacadaha madaxa banaan ee magaalada Muqdisho ayaa looga yeeray iney tagaan xarunta taliska ciidamada nabad sugida iyo sirdoonka Somalia ee NISA shalay oo taariikhudu aheyd 28-ka July.

Idaacaha maamulkooda loo yeeray ayaa kala ah Shabelle, Kulmiye, goob joog iyo idaacada ku hadasha codka dowlada ee radio Muqdisho oo la isaga soo daray balse ujeedku yahay idaacadaha kale.

Kulankan oo lagu waday inuu ka dhaco xarunta taliska NISA ayaa dib loo dhigay markii dambe, iyadoo masuuliyiinta idaacadaha loo yeeray lagu wargeliyey iney diyaar ahaadaan xili kasta oo loo yeero.

Lama oga illaa hadda ujeedada loogu yeeray idaacadahan oo ka mid ah kuwa loogu dhegeysiga badan yahay magaalada Muqdisho, iyagoo maalmahan baahinayey warbixino kala duwan oo u badnaa qaraxii ka dhacay hoolka shirarka ee xarunta dowlada hoose iyo dhaliilo ku aadan heyadaha amniga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -