Muuse Biixi oo Magacaabay Wasiiro cusub & masuuliyiin kale , Maxaabiis xirana ka farxiyey

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa soo saaray Digreeto uu ku magacaabayo xubno cusub oo xukuumadda iyo Hay’addaha Dawliga isugu jira.

Magacyada xubnaha la magacaabay ayaa waxay kala yihiin:-

  1. Axmed Xasan Nuur (Axmed Taajir) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska
  2. Axmed Yuusuf Maxamed Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka Somaliland
  3. Cabdishakhuur Ismaaciil Muumin Aar Agaasimaha Fulinta Komishanka Xakamaynta AIDS-ka
  4. Maxamuud Ismaaciil Cilmi Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo garoomada dayuuradaha.
  5. Xamse Suldaan Aadan Faarax Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda
  6. Cawaale Faarax Cilmi Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Awdal
  7. Diiriye Cabdi Jaamac Xubin ka tirsan Guddida Qandaraasyada Qaranka
  8. Sahra Maxamed Xuseen Agaasimaha Daaweynta iyo Daryeelka Komishanka Xakamaynta AIDS-ka

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Wareegto kale cafis ugu fidiyey Maxaabiista laga soo wareejiyey dalka Seycheles ee u xirnaa falalka Burcad-badeednimada .

“Markaan Arkay Ujeeddada heshiiska Somaliland la gashay Dalka Seychelles ee soo wareejinta maxaabiista u dhalatay dalka Soomaaliya ay ku salaysnayd arrimo bani’aadannimo oo ay ka mid tahay in maxaabiiistu helaan dal ay bii’addiisa diin ahaan, dhaqan ahaan, iyo luuqad ahaanba fahmi karaan, loona soo dhaweeyo ehelladooda, maaddaama xaaladaha amni ee ka jiray dalkoodu aanay suurtagalinayn in loo wareejiyo xabsiyadooda, Markaan arkay Maxaabiista u xiran dambiyada burcad-badeednimadu in muddadii ay ku jireen xabsiyada Somaliland loo sameeyay dhaqan-celin iyo toosin, taasina ay keentay in ay la yimaaddaan akhlaaq wanaagsan, kana tanaasulaan falalkii budcad-badeednimo, Waxaan go’aansaday, In laga bilaabo taariikhda maanta aan cafis gaara u fidiyo Maxaabiista laga soo wareejiyey Dalka Seycheles ee u xidhan falalka Budhcad-badeednimada

Maxaabiista la sii daayey ayaa waxay kala yihiin

1) Maxamed Axmed Ciise

2) Cadow Cali Cismaan

3) Cabdillaahi Yuusuf Xirsi

4) Axmed Cali Cismaan

5) Axmed Cali Siciid

6) Maxamed Axmed Cali

7) Bashiir Khaliif Xaashi

8) Cabdirisaaq Maxamed Cali

9) Cabdifataax Axmed Xasan

10) Nuur Maxamed Aadan

11) Jamaal Maxamed Cali

12) Cali Maxamed Cali

13) Cabdillaahi Maxamed Xasan

14) Cabdi Tahliil Xasan

15) Daahir Cabdillaahi Warsame

16) Cabdiqaadir Cabdi Cali

17) Cabdinuur Xaaji Aadan

18) Maxamed Maxamuud Xasan

19) Abuukar Axmed Ciise

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -