Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Maamulka Puntland oo amaro culus ka soo saaray amniga Magaalada Garowe

Wasiirka Amniga Puntland, Cabdisamad Gallan Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Gudoomiyaha Gobalka Nugaal oo si wadajir ah shir jaraaid ugu qabtay Garoowe ayaa soo saaray amaro la xiriira dhinaca amniga

Masuuliyiintan ayaa shaaciyey 31-bishan July ilaa uu ka dhamaanayo xuska maalinta Asaaska Puntland ee 1-da Ogosto la hakiyey gaadiidka isaga goosha gobolada ee sii mara caasimada Puntland ee Garoowe.

Amarkan ayaa saameyn doona gaadiidka ganacsiga iyo kuwa rakaabka ee u kala goosha Magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo ee sii mara wadada dheer ee sii marta magaalada Garowe

Waxa ay sidoo kale sheegeen in la mamnuucay Gaadiidka leh Muraayadaha madow  iyo kuwa la dhigo Baakinnada magaalada Garoowe dhexdeeda gaar ahaan wadooyinka.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Gallan waxa uu xusay in sanadkasta ay xukuumadda madaxweyne Deni weyneyn doonto xuska 1-da Ogosto sanadkan loo maamuusi doono munaasabadaas si ka weyn sidii hore.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Gabar Soomaali ah oo kamid noqotay Baarlamaanka Norwey Taariikh cusubna dhigtay

Cabdi Cade

RW Khayre oo balan-qaad u sameeyey qoysaska askartii ku dhimatay qaraxii iskoolo Buluusiyo

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan oo shaaciyay in dalka isbedelo waa weyn ka dhacayaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---