Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay in howlgal lagu dilay in ka badan 130 xubnood oo katirsan Al Shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ciidanka Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka oo kaashanaya ciidamo shisheeye fuliyeen weerar lagu laayay xubno badan oo katirsan Al Shabaab.

Howlgalkan oo ka dhacay deegaanno hoostaga degmada Janaale ee gobolka Sh. Hoose ayaa la sheegay in ay isku aruursanayeen dagaalamayaal katirsan Al Shabaab oo qorsheenayay in ay fuliyaan weerar xooggan.

Wasiir kuxigeenka wadaarrada warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al Cadaala oo goordhaw shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in howlgal qorsheesan lagu dilay 136 dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab tiro intaas kabadana lagu dhaawacay.

Al Cadaala ayaa sheegay howlgalkan xubnaha lagu dilay in ay ku jiraan saraakiil katirsan Al Shabaab uu qaarkood uu tilmaamay in ay ahaayeen kuwa qatar ah oo la baadigoobayay.

Waxa uu sidoo kale sheegay wasiir kuxigeenka warfaafinta in ciidanka dowladda qarxiyeen gaadiid waxyaabaha qarxa ku diyaariyeen Al Shabaab iyo goob kale oo u aheyd keyd hub.

Weerarada dhinaca cirka ah ee lala beegsanayo Al Shabaab ayaa muddooyinkii dambe kordhay, waxaana weeradan lagu dilay dagaalyahanno badan oo katirsanaa Al Shabaab.

- Advertisement -