Ra’iisul Wasaare Hassan diab oo goor dhow shaaciyey inuu xilka iska casilay & sababta

Ra’iisul wasaaraha xukuumada Lubnaan ayaa ku dhawaaqay in uu xilka iska casilay kaddib qaraxii dhawaan ka dhacay magaalada Beirut oo ay ku dhinteen 200 oo qof dad ka badan.

Xasan Diab ayaa is-casilaaddiisa ka sheegay telefishinka qaranka oo uu ka hadlay fiidnimadii caawa.

Shacabka dalkaasi ayaa tilmaamaya inay ahayd in xilli hore si wanaagsan oo taxadar leh looga fekero, keydinta maadada ammonium nitrate ee Talaadadii ku qaraxday dekadda caasimaddaasi.

Waxay mas’uuliyiinta dowladda ku eedeeyeen inay wadaan falal musuq maasuq ah iyo maamul xumo.

Madaxweyne Micheal Cown ayaa sheegay in 2,750 tan oo ah maadada ammonium nitrate si aan ammaan ahayn loogu keydiyay makhaasiin halkaa ku yaallay dekeda muddo lix sano ah, taasoo dad badan ka yaabisay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -