Amaanka xarumaha Dowlada ee kuyaala Muqdisho oo la adkeeyay iyo Shaqaalaha oo …

Waxaa aad loo adkeeyay amaanka xarumaha dowlada gaar ahaan Madaxtooyada, Wasaaradaha, iyo xarumaha kale ee ka socdaan howlaha muhiimka ah ee kuyaala magaalada Muqdisho.

Ilaalada xarumahan ayaa la faray in waajibkooda ay gutaan, waxaa sidoo kale ilaalada xarumaha iyo xafiisyada dowlada lagu amray in ay baaritaano adag ku sameeyaan qof kasta oo xafiisyada soo galaya xitaa shaqaalaha iyo masuuliyiinta hoose.

Sida aan wararka ku heleyno xafiisyada ay ku shaqeeyaan Wasiirada iyo masuuliyiinta kale qaarkood ayaa subax kasta lagu sameeyaa baaritaano dheeraad ah si looga fogaado in halkaasi lagu qariyo waxyaabo halis galin kara nolosha masuuliyiinta.

Arimahan ayaa imaanaya kadib qaraxii xooganaa ee ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir, waxaana wali jira shaki laga qabo in qaraxaasi fulisay ruux shaqaalaha gobolka kamid ahayd, halka warar kalana sheegayaan in suurto gal tahay in qaraxa goobtaasi lagu sii diyaariyay.

Laamaha amaanka xarunta gobolka Banaadir ayaa ku fashilmay in ay ka hortagaan qaraxa gudaha xarunta ka dhacay ee galaaftay nolosha masuuliyiin badan oo katirsanaa maamulka gobolka sidoo kale dhaawac culus uu kasoo gaaray Gudoomiyaha Gobolka.

Kooxaha baaritaanka kuwada Qaraxa ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ayaan wali wax natiijo ah kasoo saarin baaritaanka, waxaana dad badan ka dhursugayaan natiijada baaritaanka si loo ogaado sida ay wax u dhaceen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -