Ciidamo ka yimid Guriceel iyo Dhuusamareeb oo gaaray degaanka Yasooman (Sawirro)

Ciidamo gurmad ah oo wata gaadiid dagaal ayaa saaka gaaray degaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan oo shalay uu dagaal ku dhexmaray ciidamada huwanta iyo kuwa Al-shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadan ay ka soo baxeen xalay degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, waxayna intooda badan ka soo jeedaan beelaha dega labada degmo.

Baaq ka yimid beesha Xawaadle ee dagaalka kula jirta Al-shabab ayaa soo dadajiyay in ciidamadan ay ka soo dhaqaaqan Guriceel sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada horkaceysa.

Ciidamadan oo uu hogaaminayo Taliyaha Guutada 15aad qaybta 21aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed G/lle Abdifitaax Huruuse ayaa waxay qayb ka noqonayaan dagaalka ka dhanka ah Al shabaab ee ka socda Gobolka Hiiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -