Wasiir ku wajahan Kismaayo xilli Madaxda dowlada laga mamnuucay iney halkaas tagaan

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomaar) ayaa ku sii jeeda maanta magaalada Kismaayo.

Sida warku sheegayo Wasiir Oomaar ayaa marka uu tago magaalada Kismaayo kaga dhawaaqaya inuu yahay musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Jubbaland.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa xili dhowaan Maamulka Jubbaland uu ka mamnuucay madaxda dowlada Somalia iney tagaan Magaalada Kismaayo, si looga hortago fara gelin la sheegay in dowladu la damacsan tahay doorashada hogaanka Jubbaland.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Wasiir Oomaar uu socdaalkiisa ku wehlinayo taliyaha ciidamada Amisom Gen. Tigabu Yilma Wondimhunegn si uu Wasiirka uga difaaco haddii maamulka Jubbaland ay iska hor taagaan inuu galo magaalada Kismaayo.

Xaalada Magaalada Kismaayo ayaa degan inkastoo ay jirto xiisad kacsan oo ka dhalatay booqashada uu maanta halkaas ku tagayo Wasiir Oomaar oo laga cabsi qabo iney keento qalalaase.

Doorashada Jubbaland oo lagu wado iney dhacdo bisha soo socota dabayaaqadeeda ayaa weli musharaxiinta intooda badan aysan isdiiwaangelinin sababo la xiriira guddiga doorashada oo lagu eedeeyey inuu u janjeero Axmed Madoobe oo ah madaxweynaha xilka haya oo mar kale doonaya inuu tartamo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -