Dowlada Somalia oo markii ugu horeysay faahfaahin ka bixisay Xaalada Eng. Yariisow

Dowlada Soomaaliya markii ugu horeysay ka hadashay xaalada Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay weerar ismiidaamin ah oo xarunta gobolka Banaadir ka dhacay toddobaadkii hore.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Qatar Amb. Cabdirisaaq Faarax Cali (Taano) ayaa sheegay guddoomiyaha iyo dhaawacyada kale oo lagu daweynayo isbitaal ku yaalla magaalada Doxa ay xaaladooda soo hagaageyso marba marka ka dambeysa, wuxuuna inta ku daray in dhaqaatiirtu sheegeen ineysan jirin xaalad laga welwelo.

Waxaa uu tilmaamay in dowlada Qadar ay ku filan tahay daaweynta dhaawacyada dalkaas la geeyey iyo baxnaanintooda, aysana jirin baahi meel kale loo aadi doono.

Danjiraha ayaa sheegay in dhammaan dhaawacyada ay ku jiraan Isbitaalka Hamad General Hospital oo ka mid ah isbitaalada ugu waaweyn ee ku yaalla dalkaas, si wanaagsana ay dhakhaatiirta ula tacaalayaan.

“Xaaladiisa aad ayay u soo hagaageysa, markii diyaarada lagu keenayay halkaan Doxa si fiican looma garan karin, hadda waa qof neefsanaya oo dhaqdhaqaaq sameynaya wax badan muuqaalkiisa waa soo laabtay, waxaa u yimid xaaskiisa iyo carruurtiisa aad ayay ugu faraxsanaayeen sida loola tacaalayay.”ayuu yiri Safiirka.

Danjiraha ayaa sheegay in markii la keenay Doxa laga saaray saddex firir oo caloosha ka galay, xaalkiisana uu fiican yahay, balse ay sugayaan jawaabta dhaawaca madaxa oo uu xusay in maanta qaliin lagu sameyn doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -