Fanaan caan ka ahaa Wadamada Carabta iyo Somalia oo geeriyooday isagoo 82 jir ahaa

Allaha u naxariistee waxaa maanta geeriyooday fannaakii caanka ahaa ee reer Suudan Salaax Ibnul baadiya oo si weyn looga yaqaanay qeybo ka mid ah caalamka gaar ahaan dalal ka tirsan afrika iyo Asia.

Salaax oo ka mid ah fannaaniinta ugu caansan Sudan, Afrika iyo dunida Carabta, ayaa maanta ku geeriyooday dalka Urdun, halkaas oo uu 8-dii bishan u tagay arrimo caafimaad iyo walaalkii oo ay muddo kala maqnaayeen.

Allaha u naxariistee Salaax Ibnul baadiya da’diisu waxa ay ahayd 82 jir, waxaana heesihiisa aad looga dhegeystaa Soomaaliya.

Salaax waxa uu ka mid ahaa fannaaniin reer Suudaan ah oo marar badan yimid Soomaaliya bartamihii lixdamaadkii iyo toddobaatamaadkii, isagoo Soomaaliya keenay bandhig faneedyo kala duwan, taasoo keentay xiriir faneed oo xooggan oo dhex maray labada dal oo ee Soomaaliya iyo Suudaan.

HOOS KA DAAWO QAAR KA MID AHAA HEESIHIISA CAANKA AH:

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -