Qarax aysan jirin cid ka badbaaday oo gaari BL ah ku haleelay duleedka Afgooye

Dad shacab ah ayaa ku dhamaaday galabta Qarax Miino oo haleelay gaari BL ah oo ay wateen kaasoo marayey agagaarka degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Toban qof oo ahaa dhamaan dadkii la socday Gaariga ayaa ku dhintay qaraxa kuwaasoo u badnaa dadka Caanaha ka ganacsada, wuxuuna qaraxa ku qabsaday agagaarka tuulada Doonka, iyagoo ku soo jeeday Afgooye.

Dadka dhintay ayaa waxay kala yihiin 8 qof oo rakaab ah iyo darawalka darawalka Gaariga iyo Kirishbooygii, waxaana rakaabka ku jiray shan haween ah.

Gudoomiye ku xigeenka Maaliyadda Gobolka Shabeellada Hoose Cabdifataax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay in dhammaan dadkii saarnaa baabuurka, darawalkii iyo kirishboygii ay wada dhinteen oo aysan cidna ka badbaadin, Gaarigiina uu halkaasi ku basbeelay.

Miinada jidka la geliyey ayaa la sheegay iney Al-shabaab ugu talo galeen ciidamada dowlada oo sida la sheegay mararka qaarkood adeegsada, waxaana goobta uu qaraxan ka dhacay gaaray ciidamada dowlada iyo dad kale oo shacab ah, iyadoo aan goobtaas loogu tegin cid nool oo ka badbaaday qaraxaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -