Guddigii la sii daayey ee dhismaha wadada Boosaaso oo shir jaraa’id qabtay

Xubnaha guddiga dhismaha wadada Boosaaso ayaa shir jaraaid ku qabtay magaaladaas saacado ka dib markii laga sii daayey xabsi ay ku jireen muddo afar cisho ah.

Guddoomiyaha guddiga Shiikh Maxamed Macalin oo ka mid aha xubnaha shirka jaraaid ka hadlay, isagoo u mahad celiyey dhamaan qeybaha bulshada iyo intii ka xumaatay xarigooda.

Waxaa uu sheegay in intii ay ku jireen xabsiga loola dhaqmay si wanaagsan oo maamuus leh, aysana jirin wax dhibaato ah oo loo geystay marlaga reebo xoriyada laga qaaday.

“Waxaan u sheegeynaa shacabka magaalada Boosaaso inaan sii wadi doono howlihii samafal ee aan wadnay,waxaana ugu baaqeynaa iney ilaaliyaan Nabada, dowladnimada iyo kala dambeynta, midnimada iyo walaalnimadana laga wada shaqeeyo” ayuu yiri Shiikh Maxamed Macalin.

Waxaa uu ugu baaqay dowlada Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ka jira dalka iney ka shaqeeyaan xoojinta qaranimada, wixii khilaafaad ah ee dhexdooda jirana ku xaliyaan si Soomaalinimo iyo walaalnimo ah, si Soomaaliya ay cagahageeda iskugu taagto.

Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Bari oo maanta la soo taagay xubnahan ayaa amartay in la sii daayo ka dib markii lagu waayey wax dembi ah.

Xarigan xubnahan ayaa yimid ka dib markii ay diideen iney dib u celiyaan lacag ay ku deeqday dowlada Somalia oo iyagu ay horey uga codsadeen taasoo lagu kabayo dhismaha wadada dhexmarta Boosaaso, iyadoo Puntland dooneysay in lacagtaas la soo mariyo heyadaheeda Maaliyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -