Allbanaadir.com
NEWS

Mustaf Dhuxulow oo arrin muhiim ah kala hadlay Safiirka Imaaraadka (Sawirro)

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Duhulow, ayaa kulan la qaatay Danjiraha dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta Mudane Ahmed Juma Al-Rumaithi

Agaasimaha Guud iyo Safiirka dowladda Imaaraadka ayaa ka wada hadlay fududeynta dal-ku-galka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u safra dalka Isku-tagga Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale kulan ayey uga wadahadleen horumarinta xiriirka joogtada ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan wada shaqeynta hay’adaha socdaalka ee labada dal, dhinacyada isweydaarsiga khibradaha iyo tababaradda.

Agaasimaha cusub ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya , ayaa wada kulamo uu la qaadanayo qaar kamid ah wakiillada caalamka u jooga Soomaaliya, kuwaa uu taageero iyo wada shaqeyn uga raadinayo hay’adiisa.


Related posts

Farmaajo oo faahfaahiyey ujeedada laga leeyahay iskaashiga dalalka geeska Afrika

Caydiid Ali

Sawirro” Muqdisho oo lagu qabtay nin Lacag been abuur ah dadka ku siri jiray iyo rag kale oo …

Cabdi Cade

Guddoomiye Dhoobo oo ka soo horjeestay xil ka qaadistii saaka lagu sameeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---