Xildhibaano si kulul uga hadlay xariga Guddiga dhismaha wadada Boosaaso

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Puntland oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa ugu baaqay Madaxweyne Deni inii sii daayo guddi iskugu jira odyaal, culima’udiin iyo waxgarad maalintii afaraad ku xiran Boosaaso.

Guddigan ayaa ururinayay qaaraan lagu dhisayo wadooyinka magaalada Boosaaso, iyadoo Xariggooda yimid markii ay lacag ka heleen dowladda federaalka ah Soomaaliya.

Xubnaha la xiray ayaa waxaa ku jira guddoomiyaha guddiga Sheekh Maxamed Macallin Axmed oo sidoo kale ka mid ah  culimada waaweyn ee Puntland.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Siciid Faarax oo ka mid ahaa xubnihii qabtay shirka jaraaid ayaa cambaareeyey falka uu maamulka Puntland ku xiray dad samafalayaal ah oo ka shaqeynayey mashaariic waxtar u leh u bulshada, isagoo xusay in xarigooda uu yahay mid sharci daro ah oo aan loo marin wado sax ah.

Waxaa uu sheegay in gudoonka golaha wakiilada Puntland iyo xildhibaanada golahaas qaarkood ay sameeyeen dedaal ay ku doonayeen in lagu sii daayo xubnaha xiran balse isku daygaas ayuu xusay inuu guuldareystay

“Waxaan bulshada u sheegeynaa in dadkaas samafalayaasha ah ee xiran in golaha wakiladu aysan raali ka aheyn, kana howlgaleen isla markaasna ay ku soo dhamaatay natiijo la’aan” ayuu yiri xildhibaanka.

Xubnaha shirka jaraaid qabtay ayaa sheegay in ragga xiran ay ahaaayeen dad xurmad ku leh bulshada oo ka shaqeynayey horumarka magaalada Boosaaso.

“Waxay wakiil nooga ahaayeen dhismaha wadada Boosaaso oo burbursaneyd waxay iskugu jiraan haldoorkii bulshada sida Culimo, ganacsato iyo waxgarad, waxaa nasiib daro ah in dadkaasi meeshii ay maamulka ka heli lahaayeen xushmad iyo xurmad in lagu abaal dhaco oo ay xabsi ku mutaan, waxaad ka war heysiin in mid ka mid ah culimada waaweyn ee Puntland loogu ixtiraamka badnaa inuu xabsi ugu jiro arintaas awgeed, culimada, odayaasha iyo ganacsatada waa dadkii ummada isku hayey, mana aheyn maanta iney xabsi u galaan iyagoo ka shaqeynaya samafal” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Siciid Faarax.

Waxaa uu sidoo kale xildhibaanku wax lala yaabo ku tilmaamay in arinta ka dhacday Boosaaso mid la mid ah ay ka dhacday Gaalkacyooo maamulkuna uusan wax talaabo ka qaadin.

“Arinta ka dhacday Boosaaso ee dadka loo xirxiray maaha wax ugub ah, magaalooyin badan oo ka tirsan Puntland ayaa deeq ka helay dowlada Soomaaliyeed oo aanu wax ka dhisanay, waxa Xamar yaalla wax beynu ku leenahay waa wixii aduunka inooga deeqay ee dowlada Soomaaliyeed inoo heysay, Gaalkacyo arin la mid ah tan boosaaso ayaa ka dhacday Gudoomiyaha gobolka Mudug wuxuu sheegay in soo dhoweyntii Khayre aysan dembi aheyn lacagtii dowladu ku deeqdayna aan celineyn, waxaa haddaba isweydiin leh maxaa lacagta Boosaaso loo soo diray dembi ka dhigay oo tan Gaalkacyo xalaaleeyey maadaama ay hal meel ka wada yimaadeen?” ayuu yiri xildhibaanka oo intaa ku daray in arintan ay ka doodi doonaan baarlamanka Puntland, go’aana ka soo saari doonaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -