Ciidanka dowlada oo adeeg aan looga baran u fidiyey shacab ku sugan Sh/hoose (Sawirro)

Ciidamada Xoogga dalka oo tagay degaanka Moordiinle ee hoostaga degaanada Sabiib iyo Caanoole ayaa shacabka ku dhaqan degaanka u geybiyay dawooyin caafimaad xilli dadka ay ka cabanayaan xaalado caafimaad daro.

Sidoo kale, dhaqaatiir ka socota Ciidanka Xoogga dalka ayaa xog wareysi caafimaad la yeeshay dadka jilicsan ka dibna qaar baaritaano gaar ah u sameeyay.

Shacabka ayaa soo dhoweeyay gargaarka caafimaad ee ay ka heleen ciidanka Xoogga dalka.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose Ibaahim Aadan Cali Najax ayaa kormeeray furumaha hore ee ciidanka Xoogga dalka ay ku leeyihiin degaanada Sabiib iyo Caanoole si loo dhiira geliyo ciidanka.

Guddoomiye Najax oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ciidanka ay u diyaarsan yihiin sidii haraadiga maleeshiyada Al-Shabaab looga sifeyn lahaa Guud ahaan gobolka Shabeelaha hoose.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -