Guddiga diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka oo waqti kooban loo qabtay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa kulan la qaatay guddigii uu u magacaabay diyaarinta Sharciga doorashooyinka qaranka.

Guddoomiye Mursal ayaa xubnaha guddiga ee uu la kulmay faray in muddo 60 cisho ah ay ku soo diyaariyaan Sharciga doorashooyinka Qaranka.

Guddiga loo xil saaray soo diyaarinta Sharciga doorashooyinka qaranka oo uu shalay magacaabay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxa ay ka kooban yihiin 15 xubnood waxeyna dhamaantood ka tirsan yihiin Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sharciga doorashooyinka qaranka ee loo xilsaaray guddigan iney soo diyaariyaan ayaa u muuqda inuu meesha ka saarayo sharci la mid ah oo uuhorey u ansixiyey golaha Wasiirada xukuumada Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -