Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Qalab Milatari oo nuuciisa Dunida horey loogu arag oo lasoo saaray (Daawo Sawirada)

Dalka Faransiiska ayaa soo saaray qalab milatari  oo nuuciisa horey loogu arag dunida, waxaana qalabkan cusub uu ku jiro qoray nuuc aan horey u jirin oo loogu tala galay in uu cabi galiyo diyaaradaha Droneska.

Qalabkan casriga ah oo ay sameesay shirkadda tiknolojiyadda iyo seyniska ee Science Fiction ayaa aaa ka mid ah qoray awooda in uu soo rido ama cabi galiyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee duqeymaha geesta ama kuwa wax basaasa.

Waxaa sidoo kale shirkadan Faransiiska laga leeyahay soo saartay qalab uu qof qoray wato ku duulayo sida diyaaradii oo kale, waxaana qalabkan iyo hubka cusub lagu soo bandhigay  maalinta gaarda ciyaarka milateriga Faransiiska.

Shirkadaha ka shaqeeya horumarinta hubka dalka Faransiiska ayaa sidoo kale ka fekeraya soo saarista qalab lagaga hortagayo weerarada, waxa ayna Faransiiska ku mashquulsan tahay soo saarista hub iyo agabyo kale aan dunida horey loogu arag.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Faransiiska iyo Israa’il oo ka shaqeenaya in la afgambiyo dowlad Afrikan ah

Cabdi Cade

Duqeymo culus oo saakay ka dhacay Deegaano ay joogeen Al Shabaab iyo Dowladda oo …

Cabdi Cade

Madaxweyne Muusi Biixi oo shardi adag ku xiray wadahadal ay la galaan dowlada Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---