Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Qadar oo Mashaariic kala duwan ka fulineysa magaalada Baydhabo (Daawo Sawirada)

Dowlada Qadar oo kamid ah dowladaha xiligan sida weyn u taageera dowlada federaalka Soomaaliya ayaa mashaariic kala duwan ka fulineysa magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed.

Safiirka Soomaaliya u jooga Dowladda Qatar, Xasan Binu Xamza iyo xubno la socday ayaa gaaray magaalada Baydhabo, waxa uuna Safiirka halkaasi kula kulmay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Safiirka Qadar ayaa kawada hadlay arimo dhowr ah ay kamid ahaayeen taageerida maamulka iyo sidoo kale fulinta mashaariicyo kala duwan oo Qadar ka fulineyso magaalada Baydhabo.

Safiirka iyo xubnaha kale ee la socday ayaa kormeer ku tagay goobo ay mashaariic kala duwan ka fulinayaan ay kamid yihiin  Iskuul, garoonka Diyaaradaha Baydhabo iyo Madaxtooyada maamulka Koofur Galbeed.

Dowlada Qadar ayaa Soomaaliya ka fulineysa mashaariic kala duwan ay kamid yihiin dhismaha wadooyinka, garoomada diyaaradaha, goobaha waxbarashada, caafimaadka iyo mashaariic kale oo faa’iido ugu jira dadka iyo dalka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Kenya oo Turkiga u gacan gelisay afar qof oo Turkish ah iyo walaac laga muujiyay

Cabdi Cade

Guddoomiye Mursal & Beesha caalamka oo ka wada hadlay doorashada 2020-ka (Sawirro)

Caydiid Ali

Xassan Shiikh oo dedaalo cusub bilaabay & loolan adag oo dhex curtay Guddoonka..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---