Madaxweyne Muusi Biixi oo shardi adag ku xiray wadahadal ay la galaan dowlada Soomaaliya

Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa shuruud adag ku xiray wadahadal ay la galaan dowlada Federaalka Soomaalia, xili beesha caalamka wado dadaalo lagu soo celinayo wadahadalkii labada dhinac u dhaxeeyay.

Muuse Biixi ayaa meesha ka saaray in mar kale wadahadal la furaan dowlada Soomaaliya, waxa uuna si adag u sheegay in maamulkiisu uusan wada hadal la gali doonin Soomaaliya ilaa inta laga siinayo madaxbannaani.

“Ballan waxaan ku qaadnay in aynaan wada hadlin ilaad timaaddaan idinkoo xornimadeenna ogol mooyaane, ma aha Soomaaliland mid indhaha laga qarin karo. Xuduudkii uu ingiriiska dhisay baan ku taagannahay “,Ayuu yiri Muuse Biixi.

Wadahadaladii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Soomaaliland ayaa joogsada sanado kahor, waxa ayna Dowlada hada jirta ku guul dareesatay in mar kale dib u bilowdo wadahadalada xalna laga gaaro tabashada maamulka Soomaaliland.

Dowlada Soomaaliya ayaa marar badan sheegtay in dib loo bilaabayo wadahadaladii ay la lahaayeen Soomaaliland, waxa ayna dowladu sheegtay in Madaxweyne Farmaajo uu tagi doono magaalada Harageysa halka Muuse Biixi isna Muqdisho lagu casuumi doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -