Duqeymo culus oo saakay ka dhacay Deegaano ay joogeen Al Shabaab iyo Dowladda oo …

Wararka ka imaanaya magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in saakay deegaanno hoostaga magaaladaasi ka dhaceen duqeymo culus oo ay geesteen diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka.

Duqeynta ayaa ka dhacday deegaanno kuyaalla duleedka Xarardheere halkaas oo la sheegay in ay isku aruursanayeen dagaalyahano katirsan Al Shabaab, waxaana duqeynta dhinac socotay howlgalo ciidanka deegannadaasi u aadeen.

Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska Danab G/Dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka ay hawlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyeen Degaannada Miiroon iyo Baraag Ismaaciil oo hoostagta Xarardheere.

Waxa uu sheegay taliyaha in howlgalkooda dhinac socotay duqeyn lala beegsaday goobo ay joogeen Al Shabaab, waxa uuna xusay in duqeynta lagu dilay 20-dagaalame oo katirsanaa kooxda Al Shabaab.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Danab ayaa taageero dhinaca cirka ah ka hela diyaaradaha dagaalka Mareykanka, waxa ayna diyaaradahan maalmo kahor duqeymo ka geesteen deegaanno kale oo hoostaga Xarardheere.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -