Dowlad Shaacisay in Ciidankooda diyaar u yihiin Difaaca magaalada Qudus

Waxaa sii xoogeesanaya carada ka dhalatay go’aankii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ugu aqoonsaday magaalada Barakeesan ee Qudus in ay tahay Caasimada Maamulka Israa’iil.

Wadamo badan oo Caalamka kuyaala gaar ahaan kuwa Islaamka waxaa ka dhacay banaan baxyo aad u waa weyn oo looga soo horjeeday Go’aankii Dowlada Mareykanka, waxaana Madax kala duwan cambaareeyeen Donald Trump.

Wasiirka Gaashaandhiga dalka Malaysia, Hishammuddin Hussein ayaa si kulul u cambaareeyay go’aanka dowlada Mareykanka, waxa uuna tilmaamay in go’aanka Mareykanka uu yahay dharbaaxo wajiga kaga dhacday Muslimiinta oo dhan.

Waxa uu sheegay Wasiirka Gaashaandhiga Malaysiya in Ciidankooda Milatariga ay diyaar u yihiin in ay difaacaan magaalada Barakeesan ee Qudus, waxa uuna intaa raaciyay in kaliya sugayaan amarka madaxda sare.

Wadamada Islaamka ayaa si xoogan uga hor yimid go’aankii Madaxweynaha dalka Mareykanka ,waxaana la filayaa in Madaxda Wadamada Islaamka in go’aankan shir deg deg ah ka yeeshaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -