(Sawirro) Qatar oo burburineysa Mid ka mid ah Garoomadii lagu ciyaaray Koobka Aduunka

Garoonka 974 oo ka mid ahaa garoomadii lagu ciyaarayey koobka aduunka ee ka socda dalka ayaa ayaa la burburiyay ka dib markii ay dhamaadeen qeybtii uu garoonkaas ku lahaa tartanka

Garoonka oo lagu dhisay 974 konteenarka shixnadaha lagu raro ayaa waxaa lagu qabtay 7 kulan oo ka mid ahaa ciyaaraha aduunka ee ka socda dalka Qatar

Shaqaalaha ayaa bilaabay inay kala furfuraan garoonka ku meel gaarka ah ee 974 ka hor inta aan dib loogu dhisin dalka Uruguay oo lagu qabanayo Koobka Adduunka sabadka 2030

Koobka Adduunka ayaa hadda maraya meel gebogebo ah iyadoo sideed waddan ay iskugu soo hareen wareega 6 dhamaadka oo habeen dambe bilaaban doona

Ingineerada ayaa waxay ka shaqaynayaan sidii ay u kala qaadi lahaayeen garoonka ku meel gaadhka ah ee 974 ee ku yaala aagga Ras Abu Aboud ee magaalada Doxa.

Waxaa garoonkan la dhisay iyadoo la isticmaalayo Koneenarada maraakiibta ah maraakiibta, iyadoo dhinaca kale 974 uu yahay lambarka furaha telefabka ee dalka Qatar.

Garoonkan oo qaadayey 40 kun oo qof ayaa ciyaartii ugu dambeysay marti geliyey waxay dhexmarray Brazil oo 4-1 ku garaacday South Korea habeenkii Isniinta.

Uruguay ayaa qorsheynaysa iney dib u dhisto garoonka, iyadoo raaceysa qaab dhismeedkiisii ​​hore si uu uga mid noqdo garoomada martigelinaya ciyaaraha Koobka Adduunka ee sanadka 2030-ka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -