Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka oo la dalacsiiyey darajooyin ciidan (Sawirro)

Ku-simaha taliyaha Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed, ayaa siiyay 83 xubnood oo isugu jira Dhaqaatiir iyo Kalkaaliyaal Caafimaad.

Dhaqaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha caafimaad ee la siiyay darajooyinka Sarkaalnimo ayaa waxay dhowaan ku soo biireen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Dhulka  ee Xooga Dalka, S/Guuto; Odowaa Yuusuf Raage ayaa u sheegay Dhaqaatiirta iyo Kalkaaliyaasha Caafimaad in ay aqoontooda wax ugu qabtaan Ciidanka.

Kusimaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Ahna Taliye ku xigeenka Ciidanka S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed, ayaa kula dardaarmay Xubnaha darajada la siiyay in ay u diyaargaroobaan Shaqo adag maaddaama uu Ciidanka Xoogga Dalku ku jiro Dagaal.

Bishii December  ee Sanadkii Tagay ayey ahayd markii ugu horreysey ee ay si rasmi ah u shaqo billaabeen kooxdan ka kooban Dhaqaatiitar iyo Kalkaaliyaasha Caafimaadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliye Dayax oo Dhiiro-gelin ugu tagay Ciidanka jooga xeryaha Maslax iyo Hiil-weyne (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxaa ka cusub dilkii loo geystay Xildhibaanad Aamina? (Xog sir ah oo la helay)

Caydiid Ali

Dal ay curyaamiyen dagaalo oo wadamo ay Soomaaliya ku jirto ugu deeqay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---