Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Maraykanka oo soo riday dayuurad ay leeyihiin Milateriga dalka Iiraan

Madaxweyna Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in ciidamadiisa ay marinka Hormuz ku soo rideen diyaarad aanay cidina wadin oo Iiraan ay leedahay.

Waxa uu sheegay in markabka dagaalka USS Boxer uu isdifaacay Khamiistii kaddib markii diyaarad aanay cidina wadin ay u soo jirsatay 1,000 yaardi.

Iiraan ayaa sheegtay inaanay wax war ah u ahayn in diyaarad aanay cidina wadin laga burburiyey.

Bishii Juun Iiraan ayaa soo ridday diyaarad aanay cidina wadin oo uu leeyahay milateriga waddanka Mareykanka oo isla aaggaas maraysay.

Tehran ayaa shalay sheegtay inay qabatay markab nooca shidaalka qaada ah iyo 12 shaqaale ah oo saarnaa oo Axaddii shidaal si qarsoodi ah kaga saarayay Gacanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Wasaarada A/Gudaha Somalia oo War ka soo saartay khilaafka dowlada & dowlad goboleedyada (Akhriso)

Caydiid Ali

Shiikh Shariif oo ka adigay isku day kasta oo lagu kordhinayo muddo xileedka madaxda DF

Caydiid Ali

Senatarada dhegeysanaya dacwada xil ka qaadista Trump oo arrimo yaab leh ku kacay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---