Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dal ay curyaamiyen dagaalo oo wadamo ay Soomaaliya ku jirto ugu deeqay..

Markabkii ugu horeeyey ee sida Qamadi ka yimid Ukraine ayaa gaaray waddanka Djibouti, iyadoo la gaarsiin doono dalka deriska ah ee Itoobiya, xilli ay Geeska Afrika ka jirto abaartii ugu xumayd mudooyinkan

Safaaradda Ukraine ee Itoobiya ayaa xaqiijisay in shixnadda qamadiga Ukraine oo ka kooban 25,000 kun oo tan ay tahay mid ka duwan dadaalka Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay, kaasoo maalgeliyay shixnadaha qamadiga ee Ukraine.

Shixnad kale oo dhan 30,000 tan ah ayaa sidoo kale toddobaadka danbe ku wajahan Itoobiya, iyadoo Markab saddexaad oo sida 25 kun oo tan oo sarreen ah uu isna ku wajahan yahay Soomaaliya.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa bishii hore shaaciyay hindise lagu doonayo in lagu gargaaro dalalka ay sida ba’an u saameysay qalalaasaha cunno ee ka jira dunida.

Ukraine ayaa qorsheyneysa in inka badan 60 markab oo Qamadi ah loo dirayo dalalka Ethiopia, Sudan, South Sudan, Somalia, Congo, Kenya, Yemen iyo dalalka kale bilaha soo socda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne iyo Baarlamaanka dal dhan oo loo karantiilay shaki la xiriira Coronavirus

Caydiid Ali

12-Caruur iyo Tababarahooda oo la la’aa 9-cisho oo laga helay Bohol biyo ka buuxaan (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Waalidiin badan oo ka cabanaya lacago baad u eg oo looga qaadayo Iskuulada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---