FBI-da  oo loogu baaqay in ay baarto Barnaamijka FaceApp ee baraha bulshada qabsaday

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay baraha bulshada si weyn u qabsaday barnaamijka cusub ee lagu magacaabo FaceApp kaas oo wajiga dadka dhalan rogaya marna ka dhigaya dhalinyaro marna ka dhigaya qof da’ ah.

Hoggaamiyaha aqalka Sanatka ee  dalka Mareykanka Chuck Schumer ayaa ugu baaqay Hay’ada dambi baarista Mareykanka ee FBI in baaritaan ku sameeyso barnaamij FaceApp uu sheegay in uu yahay dhibaato badan.

Warqad uu Twitterka so galiyay  Chuck Schumer ayuu ku sheegay in barnaamijkan FaceApp uu yahay mid dhibaato badan u horseedaya shacabka dalka Mareykanka ayna suurto gal tahay in xogtooda shaqsiga ah lagu xado una gacan galo dal shisheeye oo cadaw ah.

Senetar Schumer ayaa waxaa uu ka codsaday laanta dambi baarista dalka Mareykanka ee FBI-da iyo guddiga ganacsiga Federaalka inay baaritaanno ku sameeyaan baarnaamijka FaceApp.

Barnaamijka FaceApp ayaa shaki badan laga muujiyay, waxaana barnaamijkan soo saartay shirkad laga leeyahay dalka Ruushka,  shirkada Barnaamijkan leh ayaana beenisay eedeymo loo jeediyay iyo shakiga laga muujiyay in ay xogta dadka xadayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -