Ciidamada Somaliland oo laga saaray inta badan Laascaanood ka dib dagaalkii caawa

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ciidamo iska abaabulay degaanka ayaa caawa la wareegay inta badan magaaladaas ka dib dagaal qaraar oo ay la galeen ciidamada Somaliland.

Dagaalkii caawa oo ahaa kii ugu adkaa oo aan waxba lays kula harin ayaa bilowday markii nin dhalinyaro oo ka mid ahaa shacabka magaalada ay ciidamada Somaliland ku dileen bartamaha magaalada.

Dabbaaldagyo waaweyn oo farxadooddoodu tahay in Somaliland magaaladda guud ahaan laga saaray ayaa Laascaanood ka socoda.

Dadwayne isugu soo aruuray barxadda magaalada ayaa dab qabadsiiyay calanka Somaliland iyagoo sita calanka Soomaaliya.

Dhinaca kale, Maamulka Somaliland ee gobolka Sool ayaa beeniyey in laga qabsaday magaalada, iyagoo intaa ku daray in la xiray askar caawa toogasho ku dishay nin shacab ah oo hubeysan.

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare xoogan oo dagaalkii caawa ka soo gaaray labada dhinac inkastoo aan la heynin tirakoob sax ah, waxaana la soo werinayaa in dad badan oo dhaawacyo qaba la gaarsiiyey goobaha Caafimaadka.

Xafiisaka Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -