Shuruudo adag oo loogu xiray Musharaxiinta Xilka Madaxweynaha Jubbaland (Akhriso)

Guddiga Doorashooyinka maamulka Jubbaland uu horey u magacaabay Axmed Madoobe ayaa soo saaray shuruudo adag oo lagu xiray Musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha maamulkaasi.

Shuruudaha adag ee lagu xiray Musharaxiinta ayaa waxaa kamid ah in raga Musharaxiinta midkiiba laga rabo 30-kun oo dollar halka dumarka laga rabo 15-kun, waxaa sidoo kale Musharaxa laga rabaa soo in uu heesto saxiixa 10-Xildhibaan ayna soo jeediyaan in uu tartamo.

Musharaxiinta Shuruudaha kale ee lagu xiray ayaa waxaa kamid ah in uu iska casilo musharaxa xilka uu ka hayo dowlada federaalka ama maamulka Jubbaland, waxaa sidoo kale shuruudaha kamid ah in musharaxa uusan qabin xaas ajnabi ah.

Guddiga doorashooyinka maamulka Jubbaland ayaa shaaciyay in soo gudbinta dukumiintiyada musharaxiinta ay bilaabatay 16-ka bishan ayna ku egtahay 22-ka bishan , waxaana shaki la galinayaa dhax dhaxaadnimada guddigan .

Qaar kamid ah Musharaxiinta Madaxweyne ee maamulka Jubbaland ayaa durba kahor yimid qaar kamid ah shuruudaha adag ee soo saareen guddiga doorashooyinka iyo sidoo kale deg dega ka muuqda Guddiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -