Taliska Booliiska oo Digniin adag u diray dadka kunool magaalada Muqdisho

Taliska ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa uga digay dadka kunool magaalada Muqdisho in gaadiidkooda ay dhigtaan wadooyinka halboolaha ah gaar ahaan laamiga dheer ee Maka Al Mukarama .

Qoraal kasoo baxay taliye kuxigeenka ciidanka booliiska Jeneraal Zakiya Xuseen ayaa lagu sheegay in la mamnuucay in gaadiidka la dhigto hareeraha wadooyinka , waxaana dadka looga digay in ay in fejignaan dheeri ah ka yeeshaan goobaha baabuurtooda dhigtaan.

Taliska booliiska ayaa shaaciyay in laamaha amaanka ay la wareegi doonaan gaadiidka lagu arko isaga oo wadada la dhigay, waxaana dadka Muqdisho lagu war galiyay in laamaha amaanka soo wargaliyaan hadii ay arkaan baabuur ay ka shakiyaan.

Digniin: ” Danta amniga awgeed laga Bilaabo manta taariikhdu tahay 18/07/2019 waxaa G/Banadir gaar ahaan wadooyinka halbowlaha ah laga mamnuucay dhigista baabuurta (parking). Muwadiniinta G/Banaadir waxaa ka codsaneenaa in fejignaan dheer ka yeeshaan goobaha baabuurtooda dhigtaan. Waxaana lagu wargelinayaa in baabuurkii meel la iska dhigo ay heyadaha amniga la wareegi doonaan. Hadaba muwaadin la shaqey heyadaha amniga si aan dhammanteen u shacabka uwada badbaadino. Baabuurkii aad ka shakisid fadlan wac 991 kuna wargeli ciidanka amniga” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska booliiska.

Digniintan kasoo baxay taliska booliiska Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili laamiyada Muqdisho kusoo badanayaan gaadiidka wadooyinka la dhigto , waxaana marar badan dhacday in laga shakiyo baabuur la dhigtay hareeraha laamigana  lagana kala cararo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -