Mid ka mid ah dowladaha Carabta oo ku baaqday in cuno-qabateyn dhaqaale la saaro Maraykanka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Lubnaan Gebran Bassil ayaa sheegay in dowladdaha Carabta ay ay ka fakaraan cunaqabateyno ka dhan ah Mareykanka si looga hortago inay u raraan safaaradda Israaa’iil magaalada Qudus.

Mr. Bassil ayaa sheegay inay tahay in la qaado tallaabooyin diblomaasiyadeed, kaddibna lagu soo rogo cunaqabateyno dhaqaale iyo kuwa maaliyadeed Mareykanka.

Madaxda Jaamacada Carabta ayaa kulan swf swf ah ka yeelanaya go’aan Madaxweyne Trump uu magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimada Yuhuuda, waxaana aad u yar rajada laga qabo iney qaadaan talaabooyin ka dhan ah Maraykanka si loogu cadaadiyo inuu ka laabto go’aanka Qudus.

Madaxa kaniisadaha Masar Pope Tawadros-ka labaad ayaa sheegay inuu ku gacan seyri doono la kulanka Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, Mike Pence marka uu soo booqdo magaalada Qaahira dhammaadka bisha soo socoto.

Madaxaha kaniiisadaha Masar ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Mareykanka Trump inuu iska dhaga tiray dareenka Malaayiin Carab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -